Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay taliyaal ciidan oo culus

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta magacaabay laba taliye oo ciidan si loo dardargeliyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dowlad goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u magacaabay S/Guuto Maadey Nuurey Sheekh Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Dayax Cabdi Cabdulle u dalacsiiyay Sarreeye Gaas, isagoo u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Magacaabida Taliyeyaasha cusub ayaa timid labo todobaad kadib markii Madaxweynaha uu sheegay in saraakiil badan oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka lagu xiray jiidaha hore ee dagaalka gobolka Galgaduud, taasoo keentay in dib u dhac uu ku yimaado dhaq dhaqaaqii ciidan ee deegaanada maamulka Galmudug.

Taliyaashaa ayaa lagu wadaa in kaalin weyn ay ka qaataan howlgallada ka socda dalka ee ka dhanka ah Al shabaab, hoggaanka ciidamada ayaa is beddel xooggan lagu sameeyay taniyo markii saraakiil sar sare lagu eedeeyay qiyaano qaran dagaalkii bariga Galgaduud.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed