Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan xasaasi ah la yeeshay wakiilo ka socday Qaramada Midoobay

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Atul Khare oo booqasho shaqo ku yimid Soomaaliya. Waxay ka wada hadleen arrimaha ku saabsan duullaanka militari ee ka dhanka ah Al shabaab, dhimista ciidamada ATMIS, iyo taageerada UNSOS ee ATMIS ee Soomaaliya.

Kulankaan ayaa looga doodday hannaanka Qaramaad Midoobay ay taageero xooggan ku siin karto dowladda Soomaaliya, oo haatan waddo dagaalkii ugu adkaa ee lagu qaado dagaalyahannada AL shabaab, wakiilada ka socotay Qaramada Midoobay ATMIS iyo UNSOS ayaa sheegeen in ay garab taagan yihiin dagaalka ay ku jiraan ciidamada dowladda, iyaga oo bogaadiyay howlgallada soconaya.

Muddooyinkii madaxweyna Soomaaliya ayaa raadinayaya taageero xooggan oo ku aaddan in lagu gacan siiyo dagaalka dalka looga xorreeynaayo ururka Al shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed