Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan xasaasi ah la qaatay saraakiisha howlgallada kaas oo ka dhacay Dhuusamarreeb

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ayaa kulan xasaasi ah Dhusamarreeb kula yeeshay saraakiisha ciidamada ee qeybahooda kala duwan ee loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Xasan Sheekh Maxamuud oo Xarunta Howlgalinta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ee Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha guutooyinka Gorgor ee Ciidanka Xoogga , ayaa ka dhageystay warbixinno ku saabsan howlgalladii ugu dambeeyay ee dagaalka iyo sidoo kale qorshaha howlgallada kale ee qorsheysan.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda dagaalka ciidanka ay kula jiraan ururka Al shabaab, waxaa uu soo hadal qaaday in lalaba jibaaro howlgallada ka soconaya deegaannada maamulka Galmudug, iyo sidoo kale in ciidamadu ay xajiyaan deegaannada laga saaro dagaalyahannada, isla markaana wax laga barto qaladaadkii hore .

Madaxweynaha ayaa sidoo kale saraakiisha ku bogaadiyay howlgallada ay wadaan iyo guulaha laga gaaray dagaaladii ugu dambeeyay ee Al shabaab looga saaray deegaanno badan.

Si kastaba, madaxweyanaha  oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Hiiraan iyo Galmudug ayaa waday abbaabul xooggan oo ka dhan ah Al shabaab sidii looga saari lahaay deegaannada ay kaga sugan yihiin Soomaaliya, gaar deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed