Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Dhuusamareeb iyo qorshaha safarkiisa oo faah faahsan

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug, safarkaan ayaa muddoyyinkii dambe la qorsheynayay hannaanka Xasan Sheekh uu ku tagi lahaa Galmudug.

Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa in halkaas uu kaga dhawaaqo dagaalka wajiga labaad ee Al shabaab, iyada oo wararkii toddobaayadaan taagnaa ay sheegayeen in madaxweynuhu uu Dhuusamareeb ka dhigan doono saldhiga laga hagi doono howgallada baaxada leh ee Al shabaab looga xorreynayo guud ahaan Soomaaliya, kaas oo soo socday muddooyinkii dambe.

Madaxda dowladda ayaa dhowr jeer goobo fagaaro ah ka sheegay in ay bilaaabi doonaan dagaalka wajiga labaad ee kooxda  Al shabaab, maalmo kahor Caasimadda Galmudug waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Taliya Nabad-Sugidda Soomaaliya Mahad Salaad, oo ay ku jiraan Senetaro iyo Xildhibaano ka ka tirsan laba Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ciidamada ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha, kuwaas oo hordhac u ahay safarka maanta ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale  maamulka Galmudug ayaa  dhawaan shaaciyay iney u diyaar garoobeen wajiga labaad ee howlgalada dalka looga ciribtiraayo kooxda Al-shabaab deegaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka, iyada oo maalmaha kahor soo bandhigeen ciidamada deegaankaaga ee ku biiraya dagaalka.

Dhuusamareeb waxaa ka socoto dhaqdhaqaaqyo xooggan oo lagu soo dhaweynayo madaxweynha, iyada oo si weyn loo adkeeyay ammaaanka magaalada iyo guud ahaan daafaha caasimada Galmudug.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed