Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degamada Aadan Yabaal

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka tagay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo uu ku sugnaa maalmahaan, maanta ayuu u ambo baxay degamada Aaadan Yabaal ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu joogo Aadan-yabaal kala hadlaya saraakiisha ciidamada halkaas joogo, kuwa difaaca shacabka, mas’uuliyiinta iyo bulshada deegaanka, sidii ay u laban-laabi lahaayeen doorkooda dagaalka ka dhanka Al shabaab.

Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ka baadan bil ku howlan abaabulka iyo dardar-galinta hawlgallada dalka looga saarayo Al-shabaab ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah  uu socon doono inta laga ciribtirayo Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Aadan Yabaal kula kulmay Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka soomaaliya Sarreeye guuto Ibraahim Sheekh Muxyidiin iyo saraakiil kale.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed