Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Somalia waxa uu wadahadallo muhiim ah kula yeeshay Annette Weber oo ah ergeyga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda ka jirta gobolka iyo doorka muuqda ee Midowga Yurub uu ku leeyahay horumarka Soomaaliya.
Intii uu socday kulanka, Annette Weber ayaa ku nuuxnuuxsatay sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay horumarinta xasilloonida Geeska Afrika. Waxay iftiimisay mowqifka Midowga Yurub ee ku aaddan ilaalinta “xasiloonida gobolka, iyadoo hoosta ka xariiqday muhiimadda la saaray ilaalinta madaxbannaanida, iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”
Sida ay sheegeen ilo-wareedyo ka tirsan dowladda, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mahad celiyay taageerada Midowga Yurub. Wuxuu qiray taageerada Midowga Yurub ee madax banaanida Soomaaliya, isagoo muujiyay dadaalka joogtada ah ee dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu jiraan ilaalinta dhulkooda, baddooda, iyo guud ahaan madax banaanida.
Wada-hadallada ayaa sidoo kale lagu lafa guray dadaallo iskaashi oo lagula dagaallamayo khatarta Al-Shabaab iyo xoojinta awoodda milateri ee Soomaaliya.
HBN NEWS DESK