Madaxweyne Soomaaliya oo khudbad ka jeedin doona fadhi deg deg ah oo ay yeelanayaan Baarlamaanka kaas oo ku aaddan arrinta Somaliland iyo Itoobiya

Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah kulan deg deg ah ku yeelanaya magaalada Muqdisho, si ay go’aan uga gaaraan Heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee Isniintii ay wada gaareen Itoobiya iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, taasoo Itoobiya siisay Badda Cas.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad u jeedin doona Xildhibaanada labada Aqal. Xildhibaan Mursal Khaliif oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ku sheegay X in uu aaminsan yahay in Soomaaliya “ay si ku habboon uga jawaabi doonto wararka sheegaya in Itoobiya ay ku xad-gudbeyso midnimada dhulkeenna”.

Heshiiskan ayaa lagaga dhawaaqay magaalada Addis Ababa oo uu booqasho ku joogo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. Sida laga soo xigtay Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi waxay ku saxiixeen “Memorandum of Understanding,” ama MoU, ee iskaashiga ee caasimadda Itoobiya.

Sida uu dhigayo heshiiska is-afgaradka, Itoobiya waxay heli kartaa badda iyo ganacsiga Berbera, oo ah deked istaraatiiji ah oo ku taal xeebta Somaliland ee gacanka cadmeed. Taas beddelkeeda, Itoobiya waxay aqoonsan doontaa madax-bannaanida Somaliland, waana tallaabo muhiim ah marka la eego 30 sano ee Somaliland ay raadinaysay aqoonsi caalami ah.

Somaliland ayaa ogolaatay in 20 KM oo xeebta ah oo ku teedsan Badda Cas ee Somaliland laga kireeyo Itoobiya. Isaga oo aan sheegin halka uu ku yaal dhulkaas, Biixi waxa uu sheegay in Itoobiya ay ku yeelan doonto saldhig ciidan oo badeed dhulka la kireeyay

Tallaabadaan ayaa dhalisay hadal heyn xooggan oo dhanka ah warbaahinta ah, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay si wey nugu soo horjeesteen hishiiskaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed