Madaxweyne Qoor Qoor wasiirka Gaashaandhigga iyo masuuliyiin kale oo tagay furimaha hore ee dagaalka koofurta Mudug

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye iyo wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al cadaala iyo masuuliyiin kale ayaa kormeeray furimaha  Ciidanka ee koonfurta gobolka Mudug.

Wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay cutub ka tirsan Guutada 27aad, qeybta ka ahaa xoreynta Magaalooyinka muhiimka ah ee Koofurta Mudug ayaa ku amaaney in ay furimaha kusii nagaadeen xili fasax gaaban la siiyey ururadii kale ee guutada.

Madaxwaynaha Galmudug ahmed Cabdi kaariye QoorQoor ayaa sidoo kale ciidankan ku amaaney go’aanka ay ku difaacayaan dalka, iyo sida ay uhu heelan yihiin dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in dolwaddu ay sii wadi doonto howlgalladii Al shabaab looga saarayay deegaannada ay ka hesytaan maamulka Galmudug.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed