Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo war culus ka soo saaray 17-xubnood ee ka soo jeeda SSC khaatumo ee doodda adag ay ka taagan tahay

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa sheegay inay taageersan yihiin go’aanka SSC-Khaatumo, isagoo sheegay inay ka gaabsan doonaan soo xulista 17-ka xubnood ee u matali doona baarlamaanka Puntland. Qoraal uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka Karaash ayuu ku sheegay inuu taageersan yahay in 49 xildhibaan lagu soo daro doorashada madaxtinimada Puntland, isla markaana ka dhawaajiyay   inuu diiday in 17-ka xildhibaan ee matalayay  SSC-Khaatumo, asyan qeyb ka noqon doonin doorashada Puntland.

“Markaan tixgaliyey go’aankii kasoo baxay golaha dhaqanka ee SSC-Khaatumo 23 December 2023, baaqii dallada musharixiinta 27 December 2023 iyo go’aamadii isimada Puntland 29 December. Waxaan si buuxda usoo dhaweynayaa in doorashadan lagu galo 49 iyadoo la xaq-dhawrayo go’aankii masiiriga ah ee bulshada deeganadaas” ayuu yiri Axmed Karaash.
Sidoo kale bayaanka ayuu ku sheegay ” Marnaba ma aqbali doono 17 xubnood oo aan haysan matalaada bulshada deegaanadaas sifo kasta haku yimaadeen”.

 

Karaash wuxuu ka digay falalka sii kordhin kara xiisadda gobolka. Hadalkiisa ayaa kusoo beegmaya iyadoo dhawaan guddiga xalinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka ay ku dhawaaqi doonaan liiska xubnaha baarlamaanka Puntland.

Wararku waxa ay sheegayaan in liiska laga yaabo in ay ku jiraan 17-xildhibaan oo ka soo jeeda SSC-Khaatumo, taasi oo buuq badan dhalisay, maadaama la sheegay in Madaxweyne Deni uu gacanta ku dhigay. Khilaafyada ka dhex jira guddiga ee ku saabsan ka mid noqoshada ama ka saarista xubnaha SSC-Khaatumo ayaa sii kordhinaya xaaladda soo ifbaxday.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed