Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo la doortay isla markaana ka soo jeedo maamulka SSC Khaatumo

Waxaa la soo gabagabeyay doorashada madaxweyne ku-xigeenka mamulka Puntland kaddib doorashadii madaxyooyada oo uu ku guuleystay Saciid Cabduulaahi deni, iyada oo kaddib la guda galay tan ku-xigeenka.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa la doortay Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo ka soo jeedo SSC khaatumo, sidoo kale waxaa uu ku jiray xukumadda Saciid Cabduulaahi Deni, kaasoo ahay wasiirkii Duulista Hawada.

Waxaa la filayaa in la doorto ku-xigeennadiisa 1-aad iyo 2-aad, kuwaas oo gali doono doorasho kale, isla markaana lagu dhawaaqi doono in la dhammeeyay guud ahaan doorashada maamulka Puntland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed