Madaxweyne ku xigeenka  Galmudug oo faah faahin ka bixyay howlgalka wajiga labaad ee Al shabaab

Madaxweyne ku xigeenka  Galmudug, Cali Daahir Ciid oo su’aalo furan ay waddiinayeen dad ka soo qeyb galay madal ku taal Dhusamareeb ayaa faah faahin ka bixyay halka uu marayo qorshaha howgalka labaad ee lagu wado in uu ka bilaawdo deegaannada maamulkaasi.

Cali  Ciid ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo Galmudug ay isla garteen in la sameeyo howlgal ka baaxad weyn kii hore oo ka dhan ah Al shabaab dagaalka wajigiisa labaad, hadafkooduna uu yahay in howlgalkaan uu noqdo mid lagu ciribiraayo jiritaanka Al shabaab guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ka dhawaajiyay howlgallada ugu horreyo ee deegaannada Galmudug ay noqon doonaan, degmooyinka Gal-hareeri, Ceel- buur, Bacaad weyn, Shabeelloow, Caad iyo Camaara oo dhammaantood ka maqan gacanta Galmudug, waana halka ay ku xooggan yihiin kooxda Al shabaab.

Cali Daahir Ciid ayaa intaas raaciyay in Al shabaab ay  isaga baxeen deegaanno badan markii ay maqleen howlgalka xooggan ee iyaga kusoo wajahan. Galmudug waxaa ku sugan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, kaas oo hoggaamin doono dagaaalka wajiga labaad oo dowladdu isku diyaarisay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed