Madaxweyne KMG oo Looga Dhawaaqay Gobolka Hiiraan.

Guddomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte  ayaa loo doortay Madaxweynaha kumeel gaarka ah ee HIIRAAN STATE kulan maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kulankaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Waxgaradka Gobolka, Siyaasiin, qeybaha kala duwan ee bulshada, dood dheer kadib Cali Jeyte ayaa loo magaacabay Madaxweynaha Hiiraan State.

Arrintaan ayaa daba socoto kulamo maalmihii dambe ka socoday gobolka, kaas oo aan warbaahinnta looga yeerin, dhan kale waxaa horay magaalada looga mamnuucay Calanka iyo dhammaan astaamaha Hirshabeelle.

Cali jeyte ayaa lagu wadaa in uu jeedin doono qudbad ku saabsan magacaabistiisa gobolka Hiiraan.

wixii soo kordho halkaan kala soco.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed