Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka baarlamaanka isla markaana shaaciyay

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa waxaa uu ku magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka baarlamaanka, isla markaana uu shaaciyay liiska magacayadooda, xilli wili aanan xal rasmi ah laga gaarin khilaafka u dhaxeeyo xukuumadda iyo Baarlamaaka ee aad u kala fogaaday maalmihii la soo dhaafay.

Wareegtada laguma xusin in uu kala tashtay madaxweyne ku xigeenka, Axmed Karaash oo shalay uu soo ifbaxay khilaafkoodo kaddib markii Karaash uu soo saaray bayaan ka dhan ah Deni oo uu jeediyay eed culus.

Arrintaan ayey u badan tahay in uu ka hoorimaan doono madaxweyne ku xigeenka sida ay qabaan khubarada siyaasadda, balse ilaa hadda wax jawaab ah dhankiisa kama soo bixin.

 

Haddaba waxaa loo magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Golaha Wakiillada Puntland xubnaha hoos ku xusan oo kala ah: –

1. Isxaaq Axmed Xasan (Guddoomiye )
2. Siciid Xirsi Bulxan (Xubin)
3. Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) (Xubin )
4. Cabdirashiid Saleebaan Geelle (Xubin )
5. Faarax Cabdi Dhalac (Xubin)
6. Nabadoon. Maxamuud Maxamed Axmed (Xubin)
7. Axmed Cabdi Cali (Xubin)
8. Yuusuf Suudi Cabdi (Xoghayn).

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed