Madaxweyne Deni oo ka soo horjeestay baaqii odayaasha dhaqanka ee ahaa in doorasho dadban ay ka dhacdo lagu qabto waqtigeeda

Madaxweynaha Puntland ayaa ka soo horjeestay go’aanadii siyaasadeed ee ka soo baxay Odayaasha Dhaqanka, kadib shirar maalmihii la soo dhaafay uga socday Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

28-ka Hogaamiye dhaqameedka ayaa ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada inay u diyaar garoobaan doorashada dadban, taasoo madaxda beelaha ay soo xuli doonaan xildhibaano, kadibna ay dooran doonaan hogaanka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada dowlad gobolleedka ayaa lagu sheegay in madaxda siyaasadda ay dhegeysan doonaan talooyinka taageeraya ka midho-dhalinta hannaanka dimoqraadiyadda iyo doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Golaha Wasiirada ayaa xalay ansixiyay wax ka bedelka xeer hoosaadka doorashada, kaasoo ay sheegeen in dhawaan loo gudbin doono Golaha Shacabka.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa ku nuux-nuux saday sida ay uga go’an tahay in shacabku ay awood u yeeshaan in ay u codeeyaan madaxdooda iyadoo la eegayo waqtiga doorashada. Odayaasha ayaa ku nuux-nuux saday in doorashadu ay dhacdo 8-da Janaayo 2024-ka.

Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka ayaa soo dhaweeyay hadalka kasoo yeeray odayaasha, iyagoo sheegay in taladooda ay tahay midda keliya ee Puntland uga gudbi karto khilaafka doorashada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed