Madaxweyne Deni oo hoggaamiyay shirka Golaha Wasiirada Puntland kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah

Madaxweyne Puntland ayaa shir xasaasi ah guddoomiyaha kaas oo ka dhacayt magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland, shirkaas ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo uhiim ah.

Saciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda  Axmed C Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga iyo arrimaha gudaha, dhacdooyinka todobaadka, warbixinta xubno Golaha Wasiirada ah oo safar ku tegay degmada Buurtinle iyo qodobo kale.

Shirkaan oo uu guddoomiyay Saciid Deni ayaa ku soo beegmay xilli xaaladda doorashada maamulkaas ay cakiran tahay, iyada oo dhan kale mucaraadku ay ku suganm yihiin magaalada, isla markaasna sheegay in xaaladda cakiran looga bixi karo in si deg deg ah loo qabto doorashada, taas oo lagu saleynayo kuwii hore ee ku dhisneed habka qabaliga ah ee baarlamaanka.

Halka xukuumadda talada heyso ay sheegtay in ay qaban doonto doorasho qof iyo cod ah, bilaawga sannadka soo aaddan ee 2024, balse xubnaha mucaraadka ayaa si xooggan uga hor yimid.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed