Madaxweyne Caan ahay oo muddo dheer xukumayay dal ku yaal Afrika oo geeriyooday

Madaxweynaha Namibia Hage Geingob, oo 82 jir ah, ayaa ku dhintay cusbitaal horaantii Axadii, madaxtooyada ayaa sheegtay, toddobaadyo ka dib markii laga helay cudurka kansarka.

Geingob waxa uu mas’uul ka ahaa waddanka  koonfurta Afrika tan iyo 2015, sannadkii uu ku dhawaaqay inuu ka badbaaday kansarka qanjirka ‘prostate’.

Qoraal madaxtooyadu soo dhigtay baraha bulshada ee X ayaa lagu sheegay geerida ma sheegin sababta dhimashada, balse dabayaaqadii bishii hore ayay madaxtooyadu sheegtay inuu u safray Maraykanka “daawaynta cusub ee laba maalmood ah ee  kansarka”, ka dib markii laga helay.

Waxa uu dhashay 1941-kii, Geingob waxa uu ahaa siyaasi caan ah tan iyo ka hor inta aanay Namibia xornimada ka qaadanin gumeystaha.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed