Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo yeeshay kulan muhiim ah iyo qodobadii looga hadlay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka qeyb galay shirka aan caadiga ahayn ee 41-aad ee madaxda dalalka IGAD oo maanta ka furmaya magaalada Jabuuti.

Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka, xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo nabadda gobolka.

Dalka Jabuuti ayaa ka mid ah shanta dal ee ugu weyn ee ciidamada ugu deeqay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), oo horay u ahaan jiray ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. Dalka Jabuuti ayaa geysay 960-askari oo fadhigoodu yahay magaalada Beledweyne, kuwaasoo ka howlgala xarunta Sector 4.

Madaxweynayaasha dalalka Eritrea, Ethiopia, Somalia, South Sudan, Sudan, Uganda, iyo dalka martida loo yahay ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka IGAD. Shir madaxeedka ayaa la filayaa in looga hadlo arrimo kala duwan oo muhiim u ah gobolka iyo caalamka, sida amniga, ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, iyo isbedelka cimilada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed