Madaxweynaha Xasan Sheekh oo kulan xasaasi ah la yeeshay ugu sarreysa ciidamada

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan la qaatay Taliyeyaasha ugu sarreeya ciidamada xoogga dalka.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka siiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada dhexe, iyadoo ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay isku dayayaan in ay soo afjaraan wejigii koowaad ee dagaalka.

Sidoo kale, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa qorshaha Al-shabaab looga sifeynayo dalka wajigiisa 2-aad ee howlgalka qorsheysan, kaasoo ay ka qayb-qaadan doonaan dowladaha safka hore.

Sida ay sheegeen ilo-wareedyo u dhuun-daloola wada-hadalladan, madaxweynuhu waxa uu ciidanka XDS ku ammaanay sida ay ugu hanweyn yihiin inay si naf-hurnimo ah isaga difaacaan cadowga gudaha iyo dibadda.

Dowladda ayaa wada qorshe cad oo lagu daboolayo baahiyaha ciidanka iyo tababarada, waxaana saraakiisha iyo guud ahaan ciidamada ay kula dardaarmeen in ay kaalintooda ka qaataan ka hortagga weerarada Al shabaab.

Arrintaan ayaa imaaneysa iyadoo ciidamada ay guulo ka gaareen Al-Shabaab weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle, halkaasi oo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in lagu dilay in ka badan 4,600 oo kooxda ah.

Labadii bilood ee la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa waxaa soo gaaray khasaaro xooggan iyadoo ciidamada qaranka iyo maleeshiyaadka deegaanka ay dib ula wareegeen deegaano dhowr ah oo horay looga qabsaday Al shabaab sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed