Madaxweynaha Ukraine oo kulan deg deg ah la yeeshay Golaha Warshadaha Difaaca

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa martigeliyay Golaha Warshadaha Difaaca ee ugu horreeyay ee Ukraine, kaas oo ujeedadiisu tahay in la horumariyo warshadaha difaaca gudaha iyada oo lala kaashanayo soosaarayaasha reer galbeedka si Ukraine ay u dhisato hubkeeda.

Shirkado soo saara hubka oo ka kala socday in ka badan 30 wadan ayaa ka soo qeyb galay waxaana ay ka wada hadleen sidii Ukraine ay isaga kaashan lahaayeen in ay hub ka sameystaan ​​dalka Ukrain inkastoo duqeymaha joogtada ah ee diyaaradaha Russia ay geysanayaan.

Waxa uu sheegay in difaaca hawada iyo miino saarista ay ahaayeen mudnaantiisa ugu sareysa halka uu sidoo kale doonayo in uu kor u qaado wax soo saarka gudaha ee gantaalada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo rasaasta madaafiicda.

Qaar ka mid ah maamulayaasha ayaa sheegay inay ku dhibtoonayeen inay sare u qaadaan wax soo saarkooda si ay u daboolaan baahida Ukraine.

Saraakiisha Ukraine waxay sidoo kale u arkaan horumarinta wax soo saarka difaaca gudaha mid kor u qaadaya dhaqaalaha, kaas oo hoos u dhacay qiyaastii saddex meelood meel sannadkii hore dagaalka awgiis.

HBN NEWS ESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed