Madaxweynaha Uganda oo ka hor yimid gooni isutaaga Somaliland kadib markii Muusi Biixi uu u magacaabay dalkaas Ergay gaar ah

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni ayaa sheegay in dowladiisa aysan taageersaneyn qorshaha halka dhinac ah ee Somaliland ay ku dooneyso inay kaga go’do Soomaaliya

“Ma taageereyno in Somaliland ay ka go’do Soomaaliya, waayo istiraatijiyad ahaan, waa khalad,” ayuu Museveni ku yiri qoraal uu soo dhigay X  maanta.

Dadku waxay la kulmaan caqabado isku mid ah iyadoon loo eegin jinsiyad ama diin; sidaa awgeed waa in ay qaataan siyaasadda ku dhisan dan oo ka muhiimsan arrimaha siyaasadda.

Museveni oo qoraal kasoo saaray kulan uu madaxtooyada Kampala kula yeeshay Ergayga Gaar ah ee Somaliland u Qaabilsan Uganda Jaamac Muuse Jaamac, ayaa sheegay in gooni isutaaga Somaliland aanu ahayn mid sax ah.

Suuqyada gudaha ee waddanka kaliya kuma filna; sidaa awgeed waxa loo baahan yahay in Somaliland iyo Soomaaliya ay midoobaan, oo ay wada ganacsadaan, kana ganacsadaan wadamada kale ee Afrika.

Maaha dalkii ugu horeeyey ee ka soo horjeesta gooni isu taaga Somaliland. Dalal badan ayaa hore uga soo horjeestay oo ku baaqay in Somaliland iyo Soomaaliya ay dib u midoobaan oo heshiiyaan.

Dalka ku yaal Bariga Afrika ayaa ahaa kii ugu horreeyay oo ciidamo ka socda AMISOM  u soo dira Soomaaliya bishii Maarso 2007 si ay dowladda uga caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ilaa hadda, Uganda ayaa ayaa ciidamada wili joogaan Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed