Madaxweynaha Uganda ” Askarteenna ayaa Argagaxay Markii Al-Shabaab ay weerartay”

Dowladda Uganda ayaa ka hadashay weerarkii lagu dilay ciidankooda ka tirsam howgalka ATMIS jimcihii la soo dhaafay lagu dilay Buula-mareer, kadib markii Al Shabaab ay dileen ciidab badan uu ka soo jeedo dalkaasi Uganda, faahin faahinno dheeraado ayey ka bixsay dowlaaddu dalkaasi.

Madaxweynaha dowladda Uganda Yuweri Museveni ayaa ku warramay in weerarkaasi ay soo qaadeen dagaal yahanno badan oo ka tirsan Ururka Al shabaab, kuwaas oo khasaaro xooggan gaarsiiyay Ciidanka Uganda sida uu hoosta xariiqay madaxweynaha dalkaasi, waxaa uu intaas ku daray in tirada howgalka fulisay ay ahaayeen kuwa aad u badan marka la eego khasaaraha ka dashay.

Musaveni ayaa sheegay markii weerarka uu bilaawday in qaar kamid ah ciidanka ay argagaxeen, toos oo keentay in kala ordaan, Al shabaabna ay ka faaiideysteen oo ay burburiyeen qalab badan, maaddaama weerarku uu ahay mid gaadmo ah sidaas waxaa warbaahinta  sheegay Madaxweynaha Uganda.

Madaxweynaha kama uusan hadlin khasaara dhabta ah ee soo gaaray ciidankiisa, balse waxaa uu si toos ah u sheegay in khasaaro weyn uu soo gaaray, lana jabiyay ciidanka.

Si kastaba, dagaalkii lagu qaaday Ciidan Uganda ee ka tirsan howgalka ATMIS ayaa dhaliyay hadal heyn, iyada 48 saac ee la soo dhaafay siyaabo kala duwan looga hadlay, Shabaab ayaa guula ka sheegtay weerarkii Buula-mareer, balse xog madax bannaan lagama helin weearkaasi, wilina howgalka ATMIS kama aysan hadlin khasaaraha soo gaaray Ciidankooda, marka laga tago in ay cambaareyeen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed