Madaxweynaha Soomaaliya sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii socon doonaan ilaa guusha ugu dambeysa

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab aysan joogsan doonin ilaa laga gaarayo guusha ugu dambeysa.

Hadalkan ayuu jeediyay , maalin kaddib markii ciidamada dowladda ay isaga baxeen magaalooyin dhowr ah, kaddib weerar ay Al-shabaab ku qaadeen askar ka tirsan ciidammo ku sugnaa tuulada Cowsweyne oo Sabtidii lasoo dhaafay kaas oo khasaare badan geystay, sida la sheegay.

“Al-Shabaab maanta way daciifeen, way ka tiro yar yihiin,” Waan ka khibrad badannahay, ka tiro badannahay, ka qalab badnaannay, ka dhiirragelinnay” ayuu yiri.

Wuxuu ammaan u jeediyay ciidamada dowladda ee dhul ballaaran ka saaray tan iyo markii ay duulaanka ku qaadeen sanadkii hore, wuxuuna ammaan u jeediyay ciidamadii deegaanka iyo dagaalyahanadii ka qeyb qaatay howlgallada.

Maxamuud ayaa beeniyay sheegashada Al-Shabaab ee ah in 178 askari looga dilay weerarkii Cowsweyne. Taas bedelkeeda waxa uu sheegay in khasaaraha ugu badan ay soo gaareen Al-Shabaab oo ay meydadkooda ku aaseen xabaalo wadareedyo.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkii Cowsweyne uu ahaa guul taariikhi ah. Si kastaba, sheegashada khasaaraha labada dhinac si madax banaan looma xaqiijin ilaa hadda.

Weerarkan ayaa sababay in ciidamada dowladda ay dib uga gurtaan afar magaalo oo Al-Shabaab ay sheegatay inay dib u qabsadeen.

HBN NEWS DESK

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed