Madaxweynaha Soomaaliya oo xoojiyay hadalkii Ra’iisul Wasaare Xamse ee duqeymaha ka dhanka ah marinka Qaza ee Israa’iil

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa walaac ka muujiyay xaaladda Gaza ee dowladda Soomaaliya, mar uu khudbad ka jeedinayay shirka madaxda Afrika iyo Sacuudiga ee ka socda magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga. Madaxweynaha oo xoojinaya hadalkii Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, isla markaana si deg deg ah loo gaarsiiyo gar-gaarka bini’aadantinimo, si loogu gurmado dadka nugul ee ay colaaduhu saameeyeen.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan xuso walaaca ay dowladda Soomaaliya ka qabto xaaladda Gaza, waxaana ku baaqaynaa xabbad-joojin degdeg ah, lana gaarsiiyo gargaar bani’aadamnimo si loo caawiyo dadka ugu nugul,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri khudbaddiisa. Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in si degdeg ah looga shaqeeyo xal u helida labo dowladood.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa dhawaan muujiyay aragti uu kooxda Xamaas ku kala saarayo inaysan ahayn urur argagixiso balse ay tahay koox mujaahidiin ah oo u taagan xoreynta iyo ilaalinta dhulka Falastiin. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xalka ugu wanaagsan uu ku jiro in la helo labo dowladood oo kala duwan, wuxuuna ku adkeystay “Ma tanaasuli doono ilaa aan ka aragno dowlad Falastiini ah oo caasimad u ah Qudus”.

Xaaladda dhulka Falastiin ayaa cakiran iyada oo in ka badan hal bil ay ku socdaan madaafiic iyo duqeymo aanan loo meel deyin kuwaas oo lagu harqiyay Isbitaalo, Masaajid, xeryo qaxooti iyo goobo waxbarasho taasoo keentay in ay ku dhintaan ku dhawaad 12,000 oo ruux oo u badan caruur iyo haween.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed