Madaxweynaha Soomaaliya oo Xoghayaha Guud ee QM kala hadlay 2 qodob oo muhiim ah

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres oo socdaal laba maalmood ah ku tagay Soomaaliya ayaa kala hadlay laba qodob oo muhiim ah.

Shir saxaafadeed ay wadajir ugu qabteen xarunta madaxtooyada Xasan Sheekh iyo António Guterres ayaa madaxweynaha Soomaaliya wuxuu si gaar ah uga dalbaday xoghayaha guud in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta hubka, maadaama tilaabooyinkii hore ee qafiifinta cunaqabataynta guul laga gaaray in qaybo badan oo ka mid ah dalka laga xoreeyo Al Shabaab, haatanna ay ka rajaynayaan Qaramada Midoobay inay qaado si buuxda cunaqabataynta mustaqbalka dhow.

Dhanka kale madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xilligan oo ay dalka ka socdaan qorshaha dib u xorreynta looga baahan yahay hay’adaha Qaramada Midoobay inay kordhiyaan taageerada muhiimka ah ee goobaha laga saaray Al Shabaab, iyadoo muddo dheer shacabka laga horjoogsaday inay helaan adeegyada aasaasiga ah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobayayaa sidoo kale safar wuxuu ku tagay magaalada Bayadhabo ee xarunta gobolka Baay. Halkaasi oo ay ku yaalaan xerooyin ay ku jiraan dad ka soo barakacay deegaanadoodii abaaraha iyo colaadaha dalka ka jira awgood.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed