Madaxweynaha Soomaaliya oo socdaal ku tagay dalka Eratariya isla markaana la kulmay madaxweynaha dalkaas iyo ujeedka safarkaas

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Isniin ah gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo qaadan doonta labo maalmood. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara Madaxweyne Isaias.

Labada Madaxweyne ayaa lagu wadaa in ay kulan ka yeeshaan xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Booqashada madaxweynaha ee Asmara ayaa ku soo beegantay iyadoo ay jirto xiisad ka dhalatay heshiiskii dekedda Addis Ababa ee kowdii bishan ku dhex maray ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Maalin ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay xeer lagu burinayo heshiiskii ay maamulka la baxay Somaliland ee ahaa in Itoobiya ay hesho badda cas si ay u hesho aqoonsi madax bannaan oo kaga imaanaya Adis Ababa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed