Madaxweynaha Soomaaliya oo si adag uga hadlay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee Badda Cas

Madaxweynaha Somaliland Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay heshiiska dekedda ay Itoobiya la gashay maamulka Somaliland, kaasoo Soomaalidu si culus u diideen, isla markaana ay dasheen falal ka dhan ah hishiiskaas.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay fadhi deg-deg ah oo ay labada Golahe ee baarlamaanka Soomaaliya, ku yeesheen magaalada Muqdisho, ayaa wax aan waxba ka jirin ku tilmaamay heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland dhexmaray, isagoo sheegay inuu ka hor imanayo shuruucda caalamiga ah. Waxa uu carabka ku adkeeyay in aysan jirin cid dhul, bad iyo cirba ku wareejin karta qof kale.

“Sharciga caalamiga ah ma ogola wixii bishii Janaayo kowdii ka dhacay Addis Ababa, sidoo kale waa mid ka soo horjeeda dhaqanka caalamiga ah, lagumana dhaqmi doono, ficilada Itoobiya waxay halis ku yihiin deris wanaagga iyo nabadda iyo xasiloonida. gobolka,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamuud ayaa sidoo kale fariin u diray maamulka Somaliland, isagoo sheegay in dowladda Itoobiya aysan siin karin aqoonsi caalami ah.Wuxuu ugu baaqay dowladda Itoobiya inay joojiso faragelinta ay ku heyso Soomaaliya, taasoo keentay in Muqdisho ay u yeerato safiirkeeda u fadhiya Itoobiya si ay arrintan ugala hadlaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed