Madaxweynaha Soomaaliya oo shir muhiim ah uga qeyb galaya dalka Mareykanka isla markaana gaaray maagalada New York

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka degay magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaasoo uu uga billaabay booqasho muhiim ah oo uu ku xoojinayo ammaanka guud ee dalka. Tagitaanka Madaxweynaha  ayaa gogol xaar u ah ka qayb galka shirka amniga Soomaaliya oo ah shir heerkiisu sareeyo oo loogu talagalay in lagu hormariyo amniga iyo xasiloonida dalka.

Inta uu ku sugan yahay New York, Madaxweyne Maxamuud ayaa la kulmi doona madaxda ugu muhiimsan caalamka, isaga oo kobcin doona wada-hadallada ku saabsan istaraatiijiyadaha muhiimka ah ee lagu xoojinayo kaabayaasha ammaanka ee Soomaaliya. Booqashadan ayay warbaahinta dowladdu sheegtay inay xoojinayso dadaalka Soomaaliya lagu hormarinayo  dhanka nabadda , iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo caqabadaha dhanka ammaanka ah.

War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee X ayaa lagu iftiimiyay shirka amniga ee dhawaan furmaya, isla markaana  hoosta ka xariiqay doorka udub dhexaadka  ah ee uu Madaxweynuhu ku leeyahay shir guddoominta shirkan muhiimka ah. Shirkan Amniga Soomaaliya ayaa la qorsheeyay inuu dhaco Talaadada, December 13, shirku wuxuu ujeedkiisu yahay in la isu keeno hoggaamiyeyaasha, khubarada amniga, iyo siyaasad-dejiyayaal si ay u dejiyaan istiraatiijiyado dhammaystiran.

Maadaama Soomaaliya ay hiigsaneyso in ay si buuxda u maamusho ciidamadeeda amniga dhamaadka sanadka 2024-ka, shirku waxa uu leeyahay muhiimad istiraatijiyadeed si loo kobciyo iskaashiga caalamiga ah. Dadaalkan wadajirka ah ayaa astaan ​​u ah tallaabo muhiim u ah socdaalka Soomaaliya ee ku aaddan in si buuxda mas’uuliyadda ammaankeeda loo qaado.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed