Madaxweynaha Soomaaliya oo shaaciyay xilliga la qaadayo cunaqabateynta hubka Soomaaliya iyo deyn cafinta

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si ramsi ah u daah-furay kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka 11aad, kaas oo ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo ay kaga hadlay xaaladda dalka, waxana ugu muhiimsanaa

Xasan Sheekh ayaa soo hadal qaaday cunnaqabateynta hubka ee saaray Soomaaliya iyo arrimaha deynta cafinta oo uu ka bixiyay faah faahino dheeraad heerarka ay soo mareen, iyo halka hadda ay marayaan isla markaana si weyn looga soo shaqeeyay muddadii uu xafiiska joogay.

Waxaa uu ka dhaawajiyay in bilaawga bisha December ee soo aaddan in Soomaaliya laga qaadi doono cunnaqabateynta hubka oo in ka badan 30 kaddib, waxaa uu hoosta ka xariiqay in meel wanaagsan ay marayaan arrimaha ku aaddan cunnaqabateynta hubka, Soomaaliyana ay awood u yeelan doonto in ay soo iibsato hubka ay u baahan tahay.

Dhanka kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka dhawaajiyay in Soomaaliya deynta laga cafin doono 13 isla bisha december ee dhammadka Sannadkaan.

Si kastaba, waxaa sheegay in loo baahan yahay dhanka dowladda in ay Al shabaab dalka ka xorreyaan iyo in ay dhammeystiraan dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, loona baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo, si gaar ah Mudanayaasha baarlamanka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay dhammeystiraan dastuurka.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed