Madaxweynaha Soomaaliya oo Sagootiyay Safiirkii Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulankiisii ugu dambeeyay la yeeshay safiirka waqtigu ka dhammaaday ee mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Larry André, kaas oo baneynaya xafiiska Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa ku boggaadiyay shaqadii uu ka hayay Soomaaliya intii uu joogay, isaga oo sheegay in si wanaagsan uu uga shaqeyay xiriirka labada dal, kaalin weyn ka qaatay muddadii uu joogay dalka. kulankaan ayaa sidoo kale Xasan Sheekh waxaa ku ammaanay garab istaagii Mareykanku uu ka geystay dagaalka Al Shabaab,arrimaha binu aaddanimada iyo taageeriddii dowladda Soomaaliya.

Si Kastaba, Safiirka beddelaya Larry André ayaa lagu wadaa in uu shaqada la wareego dhawaan, safaarada Mareykanka ee Soomaaliya, kaas kal hore la magacaabay.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa 30-kii March 2023-ka Soomaaliya u soo magacaabay Safiir cusub kaas oo badali doona danjiraha hadda waqtigiisa dhammaaday  Larry André, isaga oo soo magacaabay Richard Riley.

Safiirka cusub ee Soomaaliya ee magacaaban  ayaa xilal sare ka soo qabtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, gaar ahaan safaaradda Maraykanka ee Canada, isaga oo horay uga soo shaqeeyay dalalka Pakistan, Afghanistan, Iraq, UK, China, Russia iyo Yemen.

Danjiraha cusub ayaa beddelaya  safiirka Maraykanka haatan u jooga Soomaaliya ee Larry Andre, oo 16-kii April 2021-ka Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden u soo magacaabay Soomaaliya isaga oo beddelay  Donald Yamamoto oo Soomaaliya ka howlgalayay

Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa 30-kii March 2023-ka Soomaaliya u soo magacaabay Safiir cusub kaas oo badali doona danjiraha hadda waqtigiisa dhammaaday  Larry André, isaga oo soo magacaabay Richard Riley.

Safiirka cusub ee Soomaaliya loo soo magcaabay ayaa haatan xil sare ka haya Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, gaar ahaan safaaradda Maraykanka ee Canada, isaga oo horay uga soo shaqeeyay dalalka Pakistan, Afghanistan, Iraq, UK, China, Russia iyo Yemen.

Danjiraha cusub ayaa badala safiirka Maraykanka haatan u jooga Soomaaliya ee Larry Andre, oo 16-kii April 2021-ka Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden u soo magacaabay Soomaaliya isaga oo badalay Donald Yamamoto oo Soomaaliya ka howlgalaya 2018-dii ilaa 2021-kii.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed