Madaxweynaha Soomaaliya oo safar uga amba-baxay magaalada Muqdisho

Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar ugu amba-baxay dalka Eriteriya, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha dalka Eriteriya Isaias Afwerki, madaxweynaha iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Madaxtooyada Soomaaliya faah faahin dheeraad ah kama bixin ujeedka socdaalka madaxweynaha uu ku aadday Asmar, dhowr jeer ayuu Xasan Sheekh safarro ku dalkaas sannadkii dhammaaday ee 2023, Eratariya ayaa kamid ah dalalka ciidamada u tabaro Soomaaliya.

Safarkan ayaa ku soo beegmaya, iyada oo gobolka ay ka taagan tahay xiisad xooggan taasoo ka dhalatay damacii Itoobiya  ee biyaha Soomaaliya, Eratariya ayaa kamid ah meelaha ay Adis Ababa  dooneysay in ay ka hesho badda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed