Madaxweynaha Soomaaliya oo masuuliyiin Turki ah oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Dhuusamarreeb iyo qodobadii laga dooday

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Turkiga taageerada ay siinayaan dhinacyada horumarka, amniga iyo bini’aadantinimada Soomaaliya, kulan ka dhacaya Dhuusamarreeb.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkan sheegay kaddib markii uu magaalada Dhuusamarreeb kula kulmay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Ibraahim Mete Yagli oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal, horumarradii ugu dambeeyay ee dhinaca ammaanka iyo arrimo kale oo labada dhinac ah, sida ay sheegtay madaxtooyada. Soomaaliya.

Yagli ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyey Taliyaha guud ee TurkSom Brig. Gen. Sebahattin Kalkan.

Camp TurkSom, oo ku yaalla caasimadda Muqdisho, waa saldhigga ugu weyn ee Turkiga uu ku leeyahay dibadda iyo xarunta tababarka, kaas oo awood u leh  in uu qaado ku dhawaad ​​1,500 oo ciidan ah, waxa ayna hore u tababareen 5,000 oo ka tirsan ciidamada amniga Soomaaliya.

Kulankan ayaa ku soo aaday iyadoo magaalada Muqdisho ay ka socdaan olole lagu doonayo in cunaqabateynta hubka looga qaado Soomaaliya. Cunaqabatayntan waxaa saaray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horraantii 1992-kii ka dib burburkii taliskii milateriga  Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre.

Soomaaliya ayaa xiriir dhow oo dhanka dhaqaalaha, diblumaasiyadda iyo militariga ah la leh Turkiga, kaasoo soo kordhayay tan iyo markii Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu booqasho ku yimid Soomaaliya 2011-kii.

Intaa wixii ka dambeeyay, Turkiga waxa ay Muqdisho ka dhistay  safaaradda ugu weyn ee ay ku leedahay Afrika.

Bishii hore ayay ahayd markii safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad lagu saxiixayay heshiis ay iska kaashanayaan shirkad Turki iyo Soomaali ah oo lagu dhisayo warshad tamarta  Muqdisho, taas oo ka dhigan xiriirka xooggan ee ka dhaxeeyo labada dal.

Soomaaliya ayaa sidoo kale filaysa in Muqdisho laga furo Bankiga Ziraat, kaasoo noqonaya Banggigii ugu horeeyay ee Turkiga laga furo Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed