Madaxweynaha Soomaaliya oo labo arrin la wadaagay madaxda urur goboleedka IGAD ee ku shiraya dalka Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahad celiyay xubnaha Urur Goboleedka IGAD oo gacan ka siiyay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka iyo in Soomaaliya ay ka mid noqoto Urur Goboleedka Bariga Afrika ee EAC.

Isagoo ka hadlayay shirka aan caadiga ahayn ee 41-aad ee Golaha Wasiirrada iyo Dowladaha xubnaha ka ah IGAD oo lagu qabtaymagaalada Jabuuti, ayuu Madaxweyne Maxamuud ku nuux-nuuxsaday caqabadaha ay wadaagaan dalalka gobolka, oo ay ka mid yihiin argagixisada, saameynta isbeddelka cimilada, iyo colaadaha.

Bishii Nofembar, Soomaaliya waxay ku biirtay Bulshada Bariga Afrika (EAC) si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha ka dib soddon sano oo dagaal ah. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay soo galitaanka dalka ee ganacsiga gobolka mid rajo u ah Soomaaliya.

Horaantii bishaan, golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in la qaado xayiraadii ugu dambeysay ee hubka la geeyo dowladda Soomaaliya iyo ciidamada ammaanka. Golaha Ammaanku wuxuu markii ugu horreysay Soomaaliya ku soo rogay cunaqabatayn guud iyo mid dhammaystiran sannadkii 1992-kii, taasoo ka dhalatay colaaddii iyo xaaladda bani’aadamnimo ee sii xumaanaysay ee dalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed