Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga, kana wada hadlay iskaashiga labada dal iyo hishiiskii Itoobiya iyo Somaliland

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga iyo xoojinta xiriirka qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Sacuudiga. Halkaas oo ay ku yeesheen kulan rasmi ah oo ay uga wadahadleen arrimo dhowr ah, ayaa dib u eegis ku sameeyay xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dal iyo sidii loo horumarin lahaa dhinac walba, iyadoo la isku weydaarsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda guud ee gobolka iyo tan caalamiga ah.

Kulamada ay yeesheen labada mas’uul ayaa sidoo kale waxa ay kaga wada hadleen maalgashiga dhaqaalaha, ganacsiga, difaaca, iyo amniga.

Warsaxaafadeed laga soo saaray kulanka ayaa lagu muujiyay in looga hadlay arrimaha shidaalka oo ay Soomaaliya isku dayayso inay soo saarto, taasoo ah doorka Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan taageeridda isu-dheellitirka suuqyada shidaalka adduunka, isla markaanan  u adeegaysa danaha dalalka wax soo saarka iyo guulaha laga gaarayo kobac dhaqaale oo waara.

Arrintaan ayaa ku soo beegmeyso iyada oo heshiis shidaal sahmin iyo soo saarisba Soomaaliya ay la gashay  Turkiga, kaa oo aan laga soo dhaweyn dalalka soo saara shidaalka oo ay ugu horreeyaan kuwa khaliijka.

Dhanka kale Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa muujiyay taageerada uu Sacuudiga u hayo midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in heshiiska Is-fahamka (MoU) ee Itoobiya ay dhawaan la gashay maamulka Somaliland uu caqabad ku yahay deris-wanaagga iyo xasilloonida gobolka.

Sacuudiga ayaa ku celiyay in marnaba aysan aqbaleyn faragelin lagu sameeyo arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana ay garab taagan yihiin.

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa heshiis is-afgarad ah la saxeexday Somaliland, kaas oo Itoobiya u oggolaaday inay ganacsi iyo dekad ciidanba hesho 20 kiiloomitir (12 mayl) oo ka mid ah xeebaha gobolka Awdal muddo 50 sano ah.

Taas beddelkeeda, madaxda Somaliland waxay ku andacoonayaan in Itoobiya oo aan bad lahayn ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee Somaliland u aqoonsada qaran madax-bannaan. Si kastaba ha ahaatee, dawladda Faderaalka ayaa ku gacan sayrtay heshiiska dekedaha Itoobiya iyo Somaliland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed