Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan xasaasi ah Wasaaradda Gaashaandhigga kula yeeshay saraakiisha ciidamada xoogga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta wasaaradda gaashaandhigga kulan kula qaatay saraakiisha ciidamada xoogga dalka oo uu ka mid yahay taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed S/guuto Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo ay wehliyaan taliyeyaasha ciidamada badda iyo cirka iyo taliye ku xigeenka ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Warar ay heshay warbaahinta dowladda ayaa sheegaya in taliska ciidamada xoogga dalka ay madaxweynaha warbixin ka siiyeen howlgallada ciidamada ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxa xusid mudan in socdaalka uu madaxweynuhu ku tegay wasaaradda uu ku soo beegmay maalin ka dib markii uu ka soo laabtay dalka Ereteriya, iyadoo ay ku soo beegantay xilli magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ay kulan ku yeesheen madaxda ciidammada Itoobiya iyo Somaliland.

Dalalka Beesha Caalamka oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Turkiga, Jabuuti, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ayaa dhammaantood ku baaqay in la ixtiraamo midnimada dhuleed ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Talaadadii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki uu taageeray midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Muqdisho, iyadoo uu weli socdo xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan heshiiska dekedda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed