Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan muhiim ah la yeeshay madax ka socotay Safaarada Mareykanka ee Muqdisho

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho kulan kula qaatay siihayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya A.I Shane Dixon iyo Korneyl David J.Haskell oo ah Taliyaha Howlgalka Africom ee Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa muujisay taageeradeeda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah AS iyagoo Madaxweynaha iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ku ammaanay sida ay uga libinta keeneen dagaalkan, maadama gacanta AS laga saaray deegaanno badan oo istaraatiiji u ah isu-socodka.

Madaxweyanaha oo kulankan uu kala qeyb-galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo bandhigay go’aanka mideysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay isla qaateen ee ku aaddan in ay iska dulqaadaan AS , isagoo tilmaamay doorka horumarineed ee Soomaaliya amni ah ay ka qaadan karto Geeska Afrika.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed