Madaxweynaha Soomaaliya oo Kulan La Yeeshay Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka.

Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan wadajir ah la qaatay Guddiga la socodka dib u eegista iyo  hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee dib u eegista Dastuurka Dalka.

HBN NEWS DESK

Madaxweyne Xasan iyo Ra,iisal Wasaaraha  ayaa labadaan Guddi kala hadlay dhammeystirka Dastuurka KMG ah si loo dardargeliyo qodobada u baahan dib u eegista loona diyaariyo habraaca loo gudbinayo labada Gole Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya.

Xubnaha labada guddi ayaa ka warbixiyay shaqooyinkii u qabsoomay ee ku aadana dib u eegista dastuurka dalka, iyaga oo sheegay in ay dhameystiri doonaan habraaca loo gudbinaayo Baarlamaanka kahor inta aanan la hor geyn.

Dhanka kale Raiisal Wasaare Xamze ayaa goobta ka sheegay in xukuumaddiisa in wixii Farsamo ah oo ku saabsan dhameystirka dib u eegista dastuurka in ay diyaar u yihiin.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed