Madaxweynaha Soomaaliya oo kulamo muhiim ah la yeeshay madaxda Eratariya iyo Ciraaq

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laba kulan oo kala duwan la qaatay Madaxweynayaasha dalalka Ereteriya iyo Ciraaq, iyadoo uu ka qeyb galayay shir madaxeedka Sacuudiga iyo Afrika oo Axaddii ka dhacay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Madaxweyne Maxamuud iyo dhiggiisa Ereteriya Isaias Afwerki ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo xoojinta xiriirka labada dowladood, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya, iyadoo aan faah faahin dheeraad ah laga bixin.

Ciidamada Soomaaliya ee lagu tababaray dalka Eritrea ayaa door muhiim ah ka qaadanaya howlgallada militari ee ka socda gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Ciraaq, C/llaahi Rashiid, iyagoo ka wada hadlay is dhaafsiga khibradaha iyo xirfadda la dagaalanka kooxaha argagixisada, iskaashiga amniga iyo danaha ay wadaagaan labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed