Madaxweynaha Soomaaliya oo ku tagay dalka Burundi maxuu yahay ujeedka socdaalkiisa

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho shaqo oo hal maalin ah ku tagay dalka Burundi, isagoo la kulmi doona dhiggiisa dalkaas, Evariste Ndayishimiye.

Sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya, socdaalka madaxweynaha ayaa ku saabsan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo abaabulka dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoo Burundi ay ka mid tahay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhiggiisa oo ah guddoomiyaha dallada Bariga Afrika ee EAC kala hadlaya sidii loo dardargelin lahaa dhameystirka qorshaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan ka mid noqoshada urur goboleedka IGAD.

Tallaabadan ayaa u oggolaan doonta ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka howlgalaan dhammaan siddeedda waddan ee xubnaha ka ah, waxaana baasaboorka Soomaaliga lagu dari doonaa Midowga Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika, taas oo sahlaysa isu socodka aan kala go ‘lahayn ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee gobolka.

Xubnaha Wafdiga Madaxweynaha ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona dhiggooda dalka Burundi.

HBN DESK NEWS

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed