Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ku Baxay Safar Lama Filaan ah.

Muqdisho (Hbn tv)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si lama filaan ah ugu amba baxay magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho labo maalin ah sida aan ka soo xignay ila-wareedyo Sugan.

Garoonka diyaaraha ee Magaalada Asmara ayaa waxaa ku soo dhaweeyay dhigiisa Eratariya Isaias Afwerki, waana  booqashadii 3aad oo Madaxweyne Xasan Sheekh ku tago Eritrea 10 bilood oo uu Xafiiska Joogay.

waxaana labada Masuul ka wada hadli doonaan, xoojinta xiriirka, arrimaha gobolka, waxaana Eritrea tababar uga socda kumanaan Ciidamo  Soomaali ah kuwaas oo dhowaan la qaaday, iyadoo bilo ka hor qeybo ka mid ah ciidamadii muddada sanadaha dalkaas tababarka ku soo qaatay ay dalka dib ugu soo laabteen.

Safarkaan ayaa ku soo aada Xilli 14- bishaan  oo ku beegan berri lagu wado Magaalada Bahdhabo ee Maamulka Koofur Galbeed lagu qabto Shirka Wadatashiga Qaran.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed