Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isla markaana ka qeyb galay shirka shirka Qaramada Midoobay , ayaa maanta khudbad ka jeediyay Meertada 6aad ee Shirka Qaramada Midoobey ee Isbeddelka Cimilada Adduunka oo ka furmay magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay sida isbeddelka cimiladu ee saameynta ku yeeshay Adduunka, khatarta uu ku leeyahay nolasha shucuubta iyo caqabadaha gaarka ah ee ka soo gaaray shacabka Soomaaliyeed. Madaxweybaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay safka hore kaga jirtaa dalalka saameynta ugu badan ay ka soo gaartay isbeddelku cimiladu.
Xasan Sheekh ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalalka ka qeyb-galaya shirkan ay la yimaadaan qorsheyaal ku dhisan iskaashi horseed u noqda wax ka qabashada saamaynta isbeddelka Cimilada, isaga oo adkeeyay in dalalku ay u sinnaadaan fursadaha maalgashiga ee wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka isbeddelka cimilada.
Ugu dambeyn waxa uu hoosta ka xariiqay in si wax looga qabto saameynta xooggan ee la xiriirta arrintaas ay Dowladda Soomaaliya diyaarisay shuruucda lagu ilaalinayo deegaanka iyo qorsheyaasha lagu fulin lahaa, iyadoo bartamaha sannadkan dalka laga mamnuucayo bacaha iyo balaastiigga waxyeeleeya deegaanka, taas oo ay barbar socoto barnaamijka lagu dhireynayo Soomaaliya oo bilowday sannadkii 2022.
HBN NEWS DESK