Madaxweynaha Soomaaliya oo Gaaray Turkiga iyo Ujeedka Safarkaasi.

Madaxweynaha  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray dalka Turkiga halkaasi oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay, booqashadaan ayaa salka ku heysa kadib doorashadii dalkaas oo ku guuleystay Rajab Tayib Erdogan, Xasan Sheekh ayaa kamid ah Madax kale oo ka qeyb galaya caleemsaarka Madaxweynaha Turkiga.

Labada Madaxweyne ayaa horay ugu wada hadlay qadka teleefanka, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeyay dhiggiisa Ankara  guusha taariikhiga ah ee uu mar kale ka gaaray doorashadii dhowaan ka dhacday dalkaasi.

Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeye xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi dhinacyada horumarka, ammaanka iyo dhaqaalaha.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed