Madaxweynaha Soomaaliya oo Gaaray Shabeelada Hoose.

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta degmada Aadan Yaabaal ee Gobolka Shabeelada Dhexe, waxana Safarkiisa ku wehliyay Madaxweynaha Hirshabeele Cali Xuseen Guud Laawe iyo Madax kale.

Waxayna  kulan la qateen  qaybaha bulshada degmada Aadan Yabaal oo ay ka dhageysteen warbixin ku saabsan xaaladaha nololeed ee deegaanka, iyaga oo uu xusay in degmada aysan ka jirin adeegyada aasaasiga ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo korontada.

Dhankale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha hoggaamisa ciidamada Xoogga dalka oo uu ku bogaadiyay Dagaalada ay kula jiraan Ururkw Al Shabaab isaga oo faray in ay u diyaar garoobaan wejiga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo Al Shabaab.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed