Madaxweynaha Soomaaliya oo Furay Shir Weynaha Qaran ee Waxbarashada Soomaaliya.

Muqdisho ( Hbn tv)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha Qaran ee waxbarashada dalka, Waxana ka Soo qeybgalay Madax kala duwan Sida Wasiirro Xillibaano, bahda waxbarshada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweynaha ayaa dul-istaagay in dowladda ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalka guud ahaan, Isgaa  oo madasha ka jeediyay qudbad dheer oo taabaneysay waxbarashada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka sheekeyay qorshaha dowladda ee baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo xaqiijinta Manhaj mid ah oo Qaran oo wax lagu baro ubadka soomaaliyeed ayaa xusay in la shaqaaleysiindoono Toban kun oo Macallimiin soomaaliyeed ah si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in fursadaha waxbarasho ee xilligaan ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed ay aad u hooseeyaan taasi oo caqabad ku ah dhisidda mustaqbal wanaagsan iyo xaqiijinta yoolasha horumarineed ee dalka.

Waxaa uu  ka dalbaday aqoonyahanka, qurbe joogta iyo kaadiriinta waxbarashada dalka in ay gacan ka gaystaan hirgalinta natiijooyin waxbarasho oo u dan ah jiilka soo koraaya si loo xaqiijiyo degenaasho siyaasadeed, horumar dhaqan-dhaqaale.

Si kastaba Kullankaan ayaa laga jeediyay qudbado kala duwan oo taabaneyso wacyiga waxbarashada dalka, waxana lasoo hadal qaaday in isbeddel ballaaran lagu sameeyo waxbarashada guud ee Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed