Madaxweynaha Soomaaliya oo faah faahin ka bixiyay halka ay marayaan howlgalladii Al shabaab dalka looga xoreynayay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee weli socda. Isagoo ka hadlayay dadaallada isku dhafka ah ee ay wadaan ciidamada dowladda Federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo maleeshiyaadka deegaanka ee loo yaqaan Macwisley, ayuu Madaxweyne Maxamuud u xaqiijiyay shacabka in horumarro laga gaarayo sidii dalka looga xoreyn lahaa khatarta Al-Shabaab.

Madaxweyne Maxamuud ayaa sheegay in dadaallada dib u xoreynta ay meel marayaan, isagoo ku nuux-nuux saday sida ay uga go’an tahay ciidamada qalabka sida, isagoo sheegay inuu ku kalsoon yahay wejiyada soo socda ee howlgalka. wuxuuna caddeeyay in dhawaan la billaabi doono furin cusub oo la dagaallanka wax uu ugu yeeray argagixisada.

Isagoo amaanaya wada shaqaynta ay la leeyihiin Ciidanka Deegaanka (Mawislayda), Madaxweyne Maxamuud waxa uu hoosta ka xariiqay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin hawlgallada socda. Mar uu si toos ah ula hadlayay Al-Shabaab ayuu yiri “waqtigoodii wuu dhamaaday, waan dumineynaa, waan dilaynaa, mana guuleysan doonaan, fursadda Soomaalida waa in ay nabadda qaataan oo ay u soo laabtaan dadkooda iyo dowladooda, halka ciidamada  shisheeye ay tahay inay tagaan. dib ugu noqdaan meelihii ay ka yimaadeen.”

Dowladda ayaa qorsheyneysa in ay qaado howlgallada wajiga labaad ee dhawaan lagu wado in ka bilaawdaa maamulada Jubaland iyo Koofur Galbeed.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed