Madaxweynaha  Soomaaliya oo Cali Jeyta u magaacabay xil muhiim ah faah faahin dheeraad ah akhriso

Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cali Jeyte Cismaan u magacaabay  inuu noqdo xiriiriyaha guud ee Xafiiska Madaxweynaha  ee ciidamada Macawsleyda kuwaas door muhiim ah ka qaatay deegaanno badan oo lagaa saaray kooxda Al shabaab taniyo sanadkii hore.

Cali Jeyta oo horay u soo noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa hadda hoggaamin doona ciidamada difaaca shacabka ee loo yaqaan Macawisley, asaga oo masuul kaga noqonaya madaxweynaha Soomaaliya inta dagaallamayaasha Al shabaab dalka laga xorreynayo.

Cali Jeyta oo isku magaacabay in uu yahay guddoomiyaha Hiiraan State ayaa door muhiim ah ka qaatay bilaawgii dagaalkii ka dhanka ahay Al shabaab oo hoggaamiya ka noqday, taasoo keentay gobolkaas Al shabaab laga saarayo gaar ahaan dhinaca bari, waxana kooxda ka soo gaaray khasaaro xooggan.

Howlgallada hadda soconaya ee ciidamada deegaanka ayuu hoggaamiye ka noqonaya kaas oo uu masuuulka guud uga noqodaya Xasan Sheekh.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed