Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa  gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.
Madaxweyanaha ayaa waxaa sii diirran ugu soo dhaweeyey Dhuusamareeb Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug MAxmed Cabdi Kaariye, Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, Guddoonka iyo XIldhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug, iyadoo qorshaha Madaxweynuhu uu yahay in uu halkaas ugu shaqeeyo si kumeel-gaarka ah.
Safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dhammeystirka dagaalka looga xorreynayo Al shabaab deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saari doona kormeerka furumaha dagaalka, abaabulka bulshada iyo dhiiragelinta ciidamada loo diyaariyay dagaalka.
Markii uu tagay madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Nabad-Sugidda Soomaaliya Mahad Salaad oo horay u joogay , Madaxweynaha Galmudug, Wasiirka Gaashaandhigga iyo madaxweyna ku xigeenka Galmuuud.
HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed