Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi culus oo uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Xudur iyo faha faahin laga bixiyay socdaalkiisa

Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka  Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed MCabdicasiis Xasan Maxamed ayaa gaaray degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku saleysan dardar gelinta qorshaha wajiga labaad ee howlgallada dalka looga xoreynayo Al-shabaab oo dhawaan ka bilaaban doona deegaannada ay ay ka maamulaan  Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed, waxan lagu wadaa dhawaan howlgallo culus halkaas laga bilaabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda wehelisay ayaa kulammo la qaadanaya waxgaradka, dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada degmada Xudur, si ay u dhageystaan baahiyahooda iyo doorka kaga aaddan wajiga labaad ee xoreynta dalka.

Madaxweynaha oo shalay tagay Baydhabo ayaa qorsheynaya in halkaas uu kaga dhawaaqo howlgallo ka dhanka ah dagaalyahannada kooxda Al shabaab deegaannada ay ka heystaan mamaulkaas.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed