Madaxweynaha Soomaaliland oo Lagu Eedeyay Masuuliyada Dagaalka Laascaanood.


Guddoomiyaha Xisbiga Ucid ee Soomaaliland Faysal Cali Wareebe ayaa eed kulu u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi  oo ku saabsan in uu huriyay masuulna ka yahay dhibaatooyinka ka jira guud ahaan Soomaaliland Sida Colaada ka aloosan Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool iyo Arrimaha doorashooyinka oo dib u dhacay.

Faysal Cali Waraabe oo jir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa si toos ah u sheegay in Muuse Biixi uu gacantiisa ku abuuray daganaan la’aanta ka jirto Soomaaliland iyo Laascaanood:-

“ Muusow Labada Mushkiladood ee aad gacantaada ku abuurtay ee kala ah arrinta Laascaanood iyo tan gudaha Soomaaliland ee doorashooyinka”.

Dhankale Faysal Cali waraabe ayaa hoosta ka xariiqay in Beesha Caalamka qoraaladii ay soo sareen ee ku saabsanaa in Ciidanka Soomaaliland ay ka baxaan Magaalada Laascaanood uu sabab u ahaay Muuse Biixi, taasina ay dhibaato ku noqontay Soomaaliland.

Sidoo kale Waxaa uu farta ku fiiqay Gudoomiyaha Ucid in Madaxweynaha Soomaaliland uu ilaalin waayay Nabad-galyada iyo hirgalinta Arrimaha Sharciyada doorashooyinka gudaha.

Uga dambeyntii Waxaa soo hadal qaaday  Faysal Cali Waraabe in Wada-hadallo laga yeesho arrimo cakiran ee Soomaaliland miiska wada hadalkana  la iskugu yimaado si Soomaaliland burbur looga badbaadiyo hishiisna laga gaaro arrimaha la isku hayo xalkana loo abbaaro.

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa dhowr jeer oo hore eedeyn culus u jeediyay Muuse Biix, asiga oo ku eedayay dagaalada muddada ka Soconaya Gobolka Sool.

HBN News Desk 

 

 

 

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed