Madaxweynaha Somaliland Oo Si Adag U Diiday In Maamul Cusub Oo Laga Sameeyay Degaannada SCC Khaatumo Isla Markaana Eed U Jeediyay Puntland

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag u sheegay inaysan ogolaan doonin in maamul cusub laga dhiso deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn, oo la isku yiraahdo (SSC), isagoo wacad ku maray in Somaliland ay si adag u difaaci doonto deegaanadeeda.

Madaxweyne Biixi oo maant Sabtidii ah, khudbad ka jeediyey madasha dhaqaalaha ee Hargeysa, waxa uu hoosta ka xarriiqay, “Haddii qof aaminsan yahay inay fududahay in Somaliland la weeraro, kuwa cadowga ku ah Somaliland waxay la kulmi doonaan cawaaqib xumo, loona oggolaan maayo inay dhulkeenna ku soo xad-gudbaan” ayuu yiri.

Wuxuu digniin u diray maamulka Puntland oo uu ku eedeeyay inay doonayaan inay qaab qabiil ku qabsadaan Somaliland. “Haddii aan tusaale u soo qaadano maamulka Puntland oo si gardaro ah dhulkeena u balaarinayaan, waxaan arki doonaa inay ku guuleysan karaan inay dhulkeena qaataan iyo in kale” ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Todobaadkii hore C/qaadir Axmed Aw-Cali Firdhiye oo ah hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa cusub uusan ka qeyb gali doonin doorashada soo socota ee maamul goboleedka Puntland, taa badalkeedana uu soo jeediyay in uu noqdo maamul cusub oo federaal ah.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey magaalada Garoowe  ayaa sheegay in Puntland ay ku qanacsan tahay danaha dadka deegaanka SSC. Waxa uu ugu baaqay Somaliland inay ka fogaato colaad kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa Madaxtooyada Muqdisho kula kulmay Hoggaamiyaha SSC ee Khaatumo C/qaadir Axmed Firdhiye.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed