Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay guddi muhiim ah kadib wareegto uu soo saaray maanta

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne ku magacaabay Xubnaha cusub ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Somaliland, xubnahaan la magacaabay ayaa la soo xulay, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay galalkoodu lagU hayay madaxtooyada maamulkaas.

Waxaa ay ka shaqeyn doonaan arrimaha xuquuqul iinsaanka Somaliland, guddigaan ayaa loo arkaa mid wax badan ka beddeli kara arrimaha bini aaddanimada ee ka jira Deegaannada Somaliland.

Xubnaha guddiga la magaacabay maanta ayaa kala ah:

1. Maxamed Baaruud Cali Xubin
2. Maxamed Xasan Caalin Xubin
3. Mustafe Cali Cismaan Xubin
4. Baashe Maxamuud Faarax Xubin
5. Maxamed Jaamac Ibraahin Xubin
6. Cabdiraxmaan Cismaan Cabdulle Xubin
7. Muuse Jaamac Cigge Xubin

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed